Baydhaba Janaay( Idale News Online)-Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxa si habsami leh ugu soconaya howlaha iyo dadaala ee dhismahada dowlada koonfur galbeed ee soomaaaliya.
Gudiyooyinka kala gedisanaa ee lagu dhawaaqey dhawaan ayaa qaarkood waxay bilaabeen shaqo wanagsan. gudiga dastuur qoraalka ee Dowlad Goboleedka KG soomaaliya oo hogaamiya Aqoonyahan Dr. Maxamed cali xamud ayaa soo dhameystirey dastuurka, shuruucda iyo xeerarka uu yeelan doono maamulgoboleedka KG soomaaliya.
Dastuurkani waxaa loo bandhigi doonaa ergada ka qiib galeysa ama ku howlan dhisida maamulka ,kuwaasoo ka doodi doona,qodobadda iyo ceebaha ku jiro dastuurka , isla markaana ay meel marindoonaan.
Sidoo kale gudiga arimaha bulshada oo Hogaamiso Marwo Raabo sheekh ayaa isna soo diyaariyey qorsho howleed dhameystiran iyo isku dabaridka howlaha ku aadan dhameystirka KG soomaaliya.
Dhan kale bulsha Weynta KG soomaaliy ayaa gudoomiyaha gobolka Bay Mudane Cabdi Aadm Hoosow ugu baaqey in ay taagyeeraan, hormarka iyo geeda socdka nabadda la doonayo inay ka xana qaado 6da Gobol ee KG soomaliy dhawaan. isla markaa waxa uu tilmaamey ama ka codsadey in ay ka soo hormuuqadaan TV-da soomaalida.
Idale News Online, Xafiiska Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Baydhaba.