Gudig Dib- Uheshiinsiinta Qaranka Soomaaliya oo Baaq Nabadeed Ka Soo saarey Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.

0
198

Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Shabeelada hoose in sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dagaalka,islamarkaana wax waliba ay ku xaliyaan wada hadal iyo waan waan. 

Ka dib kulan ay isugu yimaadeen Gudiga ayaa waxay kaga hadleen colaada ka soo cusboonaatay gobolka Sh/hoose,iyagoona kulankooda ka soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan dhinacyada isku haya gobolkaasi.
Xoghayaha guud ee Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Cabdicasiis Muqtaar Qariiddi ayaa sheegay in baaqooda uu ku saleysanyahay sidii lagu joojin lahaa colaadaha ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkana ay googol nabadeed ufudinayaan dadka ku dagaalamaya gobolka.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaadaay gobolka Shabeelaha Hoose, dagaal wiil ayaa ku dhinta ee kuma dhasha, waxaan codsaneynaa in la qaato talooyinka iyo baaqyada Madaxda Dowladda, baaqyada odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka, marka waxaan leenahay hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri xoghayaha guud ee Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka.

Guddoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay in ay ka xunyihiin colaadaha ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose, ayna diyaar u yihin in ay gogol; nabadeed u dhigaan waxgaradka beelaha dagaalamay, taasi oo lagu qaban doono isla gobolka Shabeelaha hoose, waxaana uu tilmaamay in sababaha lagu joojin karo colaada ka jirta gobolka.

“Baaqeena waa sida aad ku aragteen war-saxaafadeedka, teeda kale waxaan soo jeedineynaa in lakala qaado maleeshiyaadka ku dagaalamay gobolkaasi, in la dhexdhigo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, si dadka ay u ogaadaan in ciidanka goobta la dhigay ay ka socdaan dowladda oo lagu kalsoonaado, waxaana balan qaadeynaa in aan diyaar u nahay sidii gogo nabadeed aan u kala dhex dhigi lahayn dhinacyada gobolka ku dagaalamaya” ayuu yiri Guddoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Ugu danbeyntii Gudiga dib u heshiisnta Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in dagaal uusan wiil ku dhisan inuu ku dhinto mooye,waxayna dalbadeen in dagaalka la hakiyo la isuguna yimaado miiska wada hadalka six al waara loo gaaro.

Alloow-Nabad

Idale News Online, Muqdisho. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@mail.com