Guddoomiyaha gudiga difaaca baarlamanka ” rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in cuna qabateynta hubka laga qaado dalka”

0
194

Bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale adduunka intiisa kale ayaa wadajir indhaha ugu haya sida ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey fadhiga  maalinta Arbacada ka yeelan doonaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta la xiriirta cunqabateynta Hubka ee Soomaaliya saaran muddo ka badan Labaatan sanno, maadaama dalka uu soo maray marxad dagaallo oo wajiyo kala duwan leh, taasi oo aheyd sababta ugu weyn ee Soomaaliya loogu soo roggay cunaqabateynta Hubka  kadib markii ay bur-bureen ciidammada Qalabka Sida ee hadda la soo nooleeyey.

Hasa yeeshee olollaha loogu gogal xaarayey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta Hubka ayaa soo socday muddo dheer, iyadoo siyaabbo kale duwan dadaal ugu bixiyeen dowladihii dalka soo maray ee KMG ahaa, waxaana halkaasi ka sii amba qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya oo si isbada joog ah ugu gudbisay codsiyadeeda ay ku dalbaneyso in la tixgaliyo qaadista cunaqabateynta Hubka.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in shirka golaha ammaanka ay ka filayaan in ay ka soo baxaan go’aanno dhaxagal ah oo danta dalka ku jirta, haddii la qaadana cunaqabateynta Hubka, dowladda Soomaaliya looga fadhiyo in ay dadajiso hanaankii lagu xakameyn lahaa Hubka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Barlamaanka, ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo dhismaha hey’adda Difaaca Qaranka, isla markaana loo baahan yahay in qorshaha ilaalinta Hubka ee Militiriga looga fadhiyo Xukuumadda sidii ay ugu  soo gudbin lahayd Baarlamaanka, maadaama Golaha ammaanku ay tixraac ku sameynayaan waxa ay soo bandhigto dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga amniga ee Baarlamaanka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa aaminsan in kulanka gaarka ah ee Golaha amniga ay ka soo bixin doonaan go’aanno lagu farxo, iyadoo hoosta ka xariiqday in qaadista cunaqabateynta Hubka  ay ka horreeyaan sharruudo looga baahan yahay in Xukuumadda ay Baarlamaanka hor keento, si loo xakameeyo in Hubka uu ka gudbo gacanta ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Maalinta ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da Bisha ee Arbacada soo socota ayey soo bixi doonaan go’aannada la xiriirra dib u dhigis ama ka qaadis cunaqabateynta Hubka ee dalkeena saaran kadib kulan Golaha ammaanka ee Magaalada New York ka dhici doona, Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya oo maalin ka hor Baarlamaanka ka hor jeediyey khubaddiisa uu uga hadlayey waxqabadka Xukuumadda ee tan iyo markii la unkay ayaa farta ku fiiqay in dowladda Soomaaliya ay awooddeeda leedahay xakameyna iyo ilaalinta sharciyada ka yaalla adduunka arrimaha Hubka.

Idale News Mogadishu