Guddoomiyaha Degaanka Lambar 50 Ee Gobolka Shabellaha Hoose General Waafow oo Dagaal ku hanjabay..

0
371

Guddoomiyaha Degaanka Lambar 50 ee Maamulka Gobolka Sh.Hoose Waafoow ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay gor gortan ka gali doona arimaha Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolka Sh.Hoose.

Gudoomiye Waafow  ayaa sheegay in Gobolka lagu soo duulay Isagoona hoosta ka xaqriiqay in Ciidamada ka tirsan Ilaalada Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ay qeyn kal yihiin Dadka ku soo duulay Gobolka.

Waxuu tilmaamay in Dagaal ay dib ugu soo qaadi doonaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose Iyadoona hadalka Gudoomiye Waafoow uu u muuqdo mid ka madaxbaan Dowladnimada.

Ugu dambeyn, Waafoow, Gudoomiyaha Degaanka Lambar 50 ee Maamulka Gobolka Sh.Hoose ayaa Dagaal looga saaray Degaanka waxaana xusid mudan in uu isku dhiibay Ciidamada AMISOM si uu Noloshiida ugu badbaadiyo halkaas.

waafow

Idale News online, No.50