Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayay Munaasabad Xariga Looga jarayay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dabayaaqada Bishaan ay ka sugayaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare C/weli Ajande shaqo oo dhameystiran si labada Gole ay u wada shaqeeyaan.
Mudane Jawaari oo hadalkiisa siiw ata ayaa waxaa uu Hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka ay u taallo shaqo adag sidaa daraadeed loo baahan yahay in Ajando dhameystiran ay ka helaan Baarlamaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba Baarlamaanka ayaa shalay si Rasmi ah waxaa ugu furmay Kalfadhigoodii 4aad iyadoo Maalmaha soo socdana ay yeelanayaan Kulamadoodii caadiga ahaa.
Idale News Online, Muqdisho.