Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Maanta la caleemo saarayo

0
203

Baydhabo (INO)-Waxaa maanta la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu caleemo saaro guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed  Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna.

Caleemo saarka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ee ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Diyaar Garoow xoogan ayaa ka soconeysa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo ku aadan caleemo saarka guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Onlie,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here