Muqdisho(INO)— AbGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in maalinnimada berri ah uu bilaaban doono wadahadalka ku saabsan arrimaha mooshinkii 12ka August ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka soo gudbiyeen.
Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinnimada berrito ah sabti taariikhduna ku beegan tahay 10ka October 2015, saacadda 11:00ka barqanimo uu si rasmi ah u bilaaban doono wadahadallada arrimaha ku xusnaa Mooshinkii 12ka August 2015.
“waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaannada ah saxiixayaasha Mooshinkii 12ka August 2015 loosoo gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka iney berrito kasoo qaybgalaan wadahadalka oo ka bilaaban doona Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa 11:00ka Barqanimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M.ne Muxammad Sh. Cusmaan “Jawaari”.
Shirkan oo lagu waday in uu qabsoomo labo maalmood ka hor ayaa baaqday waxana la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Prof. Cumar Aadan Qaadi oo warbaahinta la hadlay sheegay in kulanka uu u baaqady ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid dartiis oo dalka ka maqan, islamrkaana dalbaday in lala sugo kulanka.
Hase yeeshee, xildhibaanada mooshinka horey uga keenay madaxweynaha ayaa sheegay inuusan jirin kulan baaqday balse iyaga ay diideen inay ka qeyb galaan wada-hadallada.
Idale News Online, Muqdisho
Email:Idalenewsonline@gmail.com