Jabuuti(INO)-Waxaa caawo dalka Jabuuti ku geeriyoodey guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Idris Arnaud Cali , waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.
Jawaari oo ka hadlayay xaflad sagootinta xildhibaanada baarlamaanka oo galaya fasax ayaa si tiiraanyeysan oga tacsiyeeyey mas’uulkani geeriyoodey. Labada mas’uul ayaa horey u kulmey, waxaana ka dhaxeeyey xiriir gaar ah.
Idale News Online, Jabuuti.