Hargaysa(INO)- Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa iclaamiyay inay diwaangalinta cod bixiyeyaasha bilaabi doonaan bisha July ee sannadkan ama ka bacdi Bisha Ramadaan. Diwaangalinta ayaa socon doonta muddo ku siman afar bilood, iyadoo intaas dibna ay jiri doonaan diyaar garowyo kale, wixii wakhtiyadaasi ama dhamaadka sanadkanna la go’aamin doono wakhtiga doorashadu ku qabsoomayso.
Guddida doorashada ayaa sidaasi sheegay kadib kulan saacado badan qaatay oo dhex maray guddida iyo xisbiyada qaranka, waxaanu afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo saxaafadda la hadlay ka gaabsaday qorshahooda dib u dhaca doorashada, isagoo ku dooday inay hadda shaacinayaan kaliya qorshaha diwaangalinta.
Saddexda Xisbi qaran ayaa iyaguna sheegay inay komishanka la qaateen Qorshaha diyaarinta doorashada. Cabdirashiid Riyo-raac iyo Cabdinaasir Qodax oo u hadlay Ucid iyo Waddani waxay sheegeen in muddada kadambeysa 26-ka june la iskugu iman doono talo qaran iyo wixii laga yeeli lahaa cidda dalka maamulaysa ee doorashooyin gaadhsiinaysa maadaama Xukumadda wakhtigu ka dhacayo, hase ahaatee Jaamac Shabeel oo Kulmiye u hadlay ayaa aaminsan in sharciga loo raacayo wixii dib u dhac doorashada ku yimaada isagoo yidhi Illaahay baa doorashada dib u dhigay.
Qorshaha Komishanka ayaa u muuqda mid dalka doorasho ka suuro galinaya ugu horayn badhtamaha sannadka dambe,taasi oo mataano la noqonaysa doorashada Somalia ee reer galbeedku dabada ka riixayo.
Idale News Online, Hargeysa,