Muqdisho(INO)— Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeynaya caleema saarka iyo xil kala wareejinta Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynaha xilka baneynaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la magacaabo.
Sida ay sheegayaan wararka Guddigan ayaa wararka sheegayaan inay diyaarin doonaan Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Guddigan ayaa isugu jira doona Wasiiro, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Saraakiisha Madaxweynaha cusub Mr Farmaajo.
Waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalinta ay dhaceyso Caleema saarka oo lagu wado inay ka soo qeyb galaan Madax Caalami ah.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la dejiyay Hotelka Jazeera, halkaasoo aheyd halkii la dejiyay 4 sano ka hor Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas ku xilka ku guuleystay.
Ammaanka Hotelka ayaa waxaa la wareegay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isugu jira ciidanka Gaashaan ee Nabadsugida Qaranka iyo Ciidamada Danab ee Kumaandoorka Xoogga dalka Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana shaqeeyay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo is bedelkii la raadinayay.