Greece: Obama oo ka hadlay Iskaashiga NATO iyo Banaanbax looga soo horjeedo USA

0
220

Athana(INO)- Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Maraykanka Barack Obama oo shalay booqasho ku tagay dalka Giriiga ayaa xukuumadaasi kala hadlay taageerada Maraykanka siiyo wadankaasi iyo waliba isbaheysiga NATO oo uu dalkaasi xubin ka yahay.

Obama oo ku jira safarkiisii ugu danbeeyey ee dibada kahor intuusan xilka ka degin ayaa sheegay in Doorashadii Maraykanka ee ku guuleystay Donald Trump aysan wax dhaawac ah ku keeni doonin wadashaqeynta iyo isbaheysiga NATO oo uu dalka Giriiga xubin ka yahay.

Madaxweynaha cusub Trump ayaa horey u sheegay inuu hoos u dhigi doono kaalintii Maraykanka ku lahaa NATO, isla markaana dalalka Yurub ee xubnaha ka ah Isbaheysigaasi laga rabo inay iyagu isdifaacaan ama ay dhaqaale baaxadleh siiyaan Maraykanka.

Barack Obama ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey magaalada Athens xili ay halkaasi ka socdeen banaanbax rabshado wata oo ay dhigayeen kooxaha Garabka Bidix, mudaharaadkaasi ayaa looga soo horjeeday dowlada Maraykanka.

obama-giriiga3

Mudaharaadkan oo rabshado watay ayaa looga soo horjeeday siyaasada arrimaha dibada ee Maraykanka ee dagaalada ka abuuray bariga dhexe iyo waliba doorashadii Madaxweynaha cusub ee Donald Trump.