Golaha Wasiirada Cusub oo lagu hor dhaariyey golaha Shacabka iyo Madaxda Sare ee dowlada oo la dardaarmey

0
178

Wasiirarda cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.

Xubnaha wasiirrada ee la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 55-ka xubnood ee goluhu uu ka kooban yahay, kuwaasoo isugu jiray 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, waxaana dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.

Dhaarinta kaddib waxaa kulanka hadal ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Somalia isagoo uga mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka sidii ay kalsoonida u siiyeen xukuumaddiisa shalay oo Talaado ahayd, isagoo ballan-qaaday inay wadashaqeyn wanaagsan la yeelan doonaan baarlamaanka.

Guddoomiyah baarlamaanka oo isna hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay baarlamaanka, isagoo sheegay in intii ay howsha ku gudo jireen ay geeriyoodeen siddeed mudane oo qaar ka mid ah la dilay, sagaal xubnood oo kalena ay xilalkooda iska casiyeen.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 17-kursi ee ka bannaanaaday baarlamaanka ay u buuxiyeen sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka, ayna kalsoonida kala laabteen xukuumaddiii hore, iyagoo ansixiyeen xukuumadda cusub ee lasoo dhisay

dhaartaGolahaCusub