Golaha Deegaanka ee Minneapolis oo meelmariyey qaraar lagu taageerayo Xawaaldaha

0
242

MN(INO)-Mudanayaasha golaha degaanka magaalada Minneapolis oo maanta kulan ku yeeshay xarunta maamulka magaalada Minneapolis ayaa ansixiyey qaraar ku saabsan taageerida xawaaladaha Somaaliyeed ee dalka Mareekanka. Qaraarkaan oo ay si wadajir ah usoo gudbiyeen gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame iyo Madaxweyne kuxigeenka golaha degaanka Elizabeth Glidden ayaa ugu baaqay hay’adaha dowlada federaalka inay xal u helaan culayska saaran xawilaadaha Somaaliyeed.

Cabdi-Warsame2

Qaraarkaan ayaa imaanaya xilli bankigii u dambeeye ee xawilaaduhu ku tiirsanaa ay gebi ahaanba joojiyeen macaamiisha xawilaaduhu islamarkaana ay xireen dhamaan akoonadooda. Sanadkasta dadka Soomaalida ee dalka Mareekanka waxa ay Soomaaliya u diraan lacag dhan laba boqol oo milyan oo ah lacagta dollarka mareekanka. Guud ahaan shacabka Soomaalida boqolkiiba lixdan waxa ay ku tiirsan yihiin Lacagaha Dibadda looga soo diro.

Waxaan rabnaa in hay’adaha Dowlada Federaalka ay ogaadaan ahmiyada xawilaadahaan ay u leeyihiin muwaadiniinta reer Minneapolis,” ayuu yiri mudane Abdi Warsame xilli uu la hadlayey saxaafada. “Qaraarkaan ma aha kaliya baaq ee waxaa raaca amar oo aynu siinayno qareenada iyo shaqaalaha magaalada inay baaraan dhibta jirta islamarkaana ay soo bandhigaan sida xal lagu gaari karo,” ayuu ku daray mudane Abdi Warsame.

Qaraarkaan ayaa daba socdo War-Saxaafadeed dhawaan kasoo baxay xafiiska degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis oo matasha Somaalida ugu badan guud ahaan waqooyiga America.

Idale News Online, Mn.