Gollaha Ammaanka oo Dowladda Ku Booriyey Xasilinta Soomaaliya

0
199

New York(INO)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey dhismaha xukuumada cusub ee Soomaaliya wuxuuna ku booriyey iney ka qeybqaataan xasilinta goobaha lagala wareegey Alshabab.

Bishan feberaayo 9-keedii ayaa xubnaha baarlamanka Somalia ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya kuwaasoo ka kooban 25 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo 14 wasiiru dowlayaal.

Xubnaha golaha ammaanku waxay si weyn usoo dhaweeyeen ansaxinta golaha wasiirada ee cusub ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Golaha ammaanku wuxuu sidoo kale ku baaqay dhismaha iyo xoojinta maamul goboleedyada ku-meelgaarka ah ee dalka si loo xasiliyo meelaha laga qabsaday Alshabab lana hirgeliyo dhismaha dhammaan maalmul-goboleedyada dalka ismarkaana aysan dib u dhac ku imaan dhismaha maamul goboleedyadaas.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here