Maxamed Cismaan Yariisow, gudoomiyaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay caqabado maalmahaan uu sheegay inay kusoo kordheen deegaanada gobolkaasi.
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhawaan maamulka Shabeele State masuuliyiin ka socda ay gaareen degmada Marko, taasi oo uu sheegay inay tahay caqabad ku cusub deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in maamulkaasi aan laga aqoonsaneyn deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana aysan jirin wax taageero ah oo uu ka heysto deegaanada maamulkaasi.
Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay halka ay marayaan wadahadaladii la doonayay in lagu dhameeyo dagaaladii qabaa’ileed ee dhawaan ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin wax natiijo ah oo ku aadan wadahadaladaasi iyo hishiisyo lagu gaaray deegaanada gobolkaasi.
Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u xilsaartay dhameynta dagaalo beeleedyadii dhawaan ka dhacay Shabeelaha Hoose.
Idale News Online, Marka.