Godoomiyaha Degmadda Markacadey oo Sheegey Inuu Iscasilayo Hadii Xalka Shabellaha Hoose Uu Ku Jiro.

0
230

Gudoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha dhabta ah ee ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanoa ka tisan gobolka Shabeelaha Hoose.

markacadey--620x330

Maxamed Cismaan Yariisow, gudoomiyaha degmada Marko ee dowlada Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in dagaalka intiisa badan uu salka ku hayo habka ismaamulka degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxu sheegay inay wanaagsan tahay in sharciga lagu dhaqo oo masuul heer degmo joogo loo madax banaaneeyo inuu maamulo dhamaan tuulooyinka hoos yimaada degmada uu madaxda ka yahay.

Sidoo kale Maxamed Cismaan Yariisow ayaa ka dhawaajiyay inuu ka tagayo xilka maamulka degmada Marko haddii xalka iyo xasiloonida gobolka Shabeelaha Hoose uu ku jiro.

Isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono qof walbaa oo loosoo magacaabo degmadaasi xitaa hadduu kasoo jeeda beesha kale ee kula dagaalameysa gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu hadalka u dhigay.

Idale News Online,Marko.