Gobolka Hiiraan:Yuusuf Dabageed “Afar jeer ayaa la ii magacaabay,”waayo aragnimo badan ayaa…”

0
192

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa sheegay in waayo aragnimo badan u leeyahay Gobolka, isagoo xusay in saddex jeer oo hore loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka, haatanna ay tahay markii Afaraad.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in ahmiyadda koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta iyo Ammaanka Gobolka Hiiraan.

“Si qoto dheer ayaa ula socdaa Xaalada Gobolka, waana ii qorsheysan yihiin waxyaabaha aan ka qaban doono, meesha la ii magacaabay waa Gobolka Hiiraan, ma igu cusbo shaqadeeda saddex jeer ayaa madax ka soo noqday, hadda waa markii afaraad”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa uu sheegay in sababta saddex jeer loogu magacaabay xilka Gobolka Hiiraan ay aheyd inay ku timid rabitaanka shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

“Rabitaanka shacabka ayaa saddexdii jeer ee la ii magacaabay ku imaanayay, haddii ay i neceb yihiin ma aanan wax soo kordhiyeen, mana ogolaadeen in saddex jeer la ii soo magacaabo, hadana waa markii afaraad”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Xaalada Gobolka Hiiraan ayaa weli deganeyn, marka loo eego amniga iyo khilaafaadka qabaa’ilka oo noqday waxyaabaha uu ka socon waayay maamulka gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Sabtidii magacaabay Yuusuf Dabageed, waxaa sanad gudihiis uu magacaabay illaa saddex Guddoomiye, waxaa dad badan ku dhaliilayaan inuu wax ka qaban la’yahay xaalada Gobolka Hiiraan oo uu ka soo jeedo.