Ghana oo beenisay warar sheegayay in ciidan boolis ah ay usoo dirayso Soomaaliya

0
176

DSP-Cephas-Arthur-PoliceKadib markii ay soo bexeen warar sheegayay in howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) lagu soo biirin doono 90 askari oo boolis ah oo ka socda dalka Ghana si loo xoojiyo dadaallada nabadda ee ka socda  Soomaaliya, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay sarkaalka Police-ka dalkaasi u qaabishan dhanka warbaahinta isga oo arintaasi ku sheegay mid waxba kama jiraan ah.

Wararka shalay soo baxay ayaa waxa ay sheegayeen in Ciidankan oo ku tababaranayay xarunta tababarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana laguna wado in 25 ka bishan loo soo xiro tababarka, kaasoo uu maalgalinayo xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.

Sarkaalka Police-ka Ghana u qaabishan warbaahinta oo lagu magacaabo Isaac Kaledzi ayaa isaga oo lahadlayay Radio XYZ, waxa uu xaqiijiyay  in tababarku uu jiro hasa yeeshee waxa uu dafiray in ay saraakiisha lagu tababaro ay Soomaaliya usoo kicitimayaan si ay uga qeyb qaataan dadaalada nabada.

Wararka hada lagu sheegayo in ay been abuurka yihiin ayaa waxaa la sheegay in laga soo xigtay Madaxa tababarka ciidanka Ghana, Fanny Aboagye, kaas oo sheegtay in laba toddobaad illaa bil lagu wado in ciidanka lagu keeno Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dadaallada nabadda iyo horumarka ee hadda ka socda Soomaaliya.

Idale News Muqdisho