General Diini Oo U Kala Dab-Qaadaya RW CC iyo Axmed Madoobe +Maxaa la isku haystaa?

0
306

Kismayo(INO)-Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Diini ayaa billaabay dhexdhexaadinta R/wasaare Cumar C/rashiid iyo Hogaamiyaha maamulka Jubba-land Axmed Madoobe, kaddib khilaaf muddo soo taxnaa oo ka dhextaagan labada nin.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeynaya Cumar C/rashiid inuu wado qorshe isaga lagaga taqalusayo, laguna beddelayo Prof. Gaandi, iyada oo Baarlamaanka Soomaaliya maalintii 2-aad uu ka dooday mooshin ka dhan ah maamulka Jubba-land.

Cumar C/rashiid iyo Prof. Gaandi ayaa hormuud ka ahaa heshiisyo Kenya loogu sharciyeeynaayo Kenya masaafo ka badan 100-kilo mitir oo xudduuda badda xigta ah, waxaanna heshiisyadaasi la saxiixay xilligii uu R/wasaaraha ahaa Cumar C/rashiid. Sidoo kale labada nin ayaa ka wada tirsanaa ururkii Azaaniya ee suurtageliyey in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galaan dhulka Soomaaliya, waxaanna sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen kooxihii loo bixiyey qaswadayaasha.

Maxamed Shire C/qaadir oo ku sugan Kismaayo, kana mid ah aqoonyahanada reer Kismaayo, ayaa isaga oo la socday loolanka muddooyinkan ka jira Jubbooyinka, wuxuu sheegay in Kenyaanku ay la safan yihiin Prof. Gaandi sababtuna ay tahay heshiisyo ay horay u galeen oo ku saabsan in haddii uu maamulkaasi madax ka noqdo inuu ka shaqeynayo sidii Jubbooyinka ay u noqon lahaayeen meel Kenya ay maamusho.

“Lacag ayaa wareegeysa ma jirto cid ka hadleyso oo isweydiineysa Soomaali sidee qaranimadeenii ku soo celinaa.? Gaandi wuxuu leeyahay malaayiin dollar ayaan gacanta ku hayaa ee meesha ha la ii dhiibo aan maamulee” Ayuu yiri Maxamed Shire, wuxuuna xusay in siyaasadii ay noqotay sida koox kasta ay ugu dhowdahay Kenya & Itoobiya.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here