Iyadoo maalmo laga joogo xiligii ay Ciidamada Itobiya ay si rasmi ah ugu biireen Howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom ayaa waxaa marki ugu horaysay Somalia soo gaarey Taliyaha Cusub ee Ciidamada Amisom u qabilsan Gobolada Konfureed ee Somalia oo kala ah, Jubada hoose (Kismaayo), Jubada Hoose, BAY, BAKOOL iyo GEDO.
Taliyahan oo ah Genaral ka tirsan Ciidamada Milatariga Wadanka Itobiya ayaa waxaa uu noqonaya Mas’uulka ugu sareeya ee Ciidamada Itobiya ee ku socda magaca howlgalka Amisom ee ku sugan Gudaha Somalia sido kale waxaa uu noqonaya Masulka 3′aad ee ugu sareeya Ciidamada Amisom .
Genaraalka Itobiyaanka ah ayaa waxaa shalay Magaalada Luuq kentay Diyaarad Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Itobiya waxa una halkaasi kulan kula qaatay Gudomiyaha Ahlusunna Walajamaca ee Gobolada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax iyo Afhayeenka Ahlusunna iyo Siyaasiyiin kale.
Kulankaan oo ahaa mid waqti dheer qatay ayaan xog rasmi ah laga heyn waxaa loga wada hadlay balse ilo ku dhow dhow masuliyiinta la kulmay Taliyahaan ayaa waxaa ay K24 la wadaagen in Masulkaan ka socda Amisom iyo Masuliyiinta u la kulmay ay isla jeex jeexeen arimo badan oo ay ugu horayso Xoreynta Dagmoyin ka ku jira Gacanta kooxda Al-Shabaab ee dhaca Gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo arimo kale oo badan.
Taliyaha Cusub ee Amisom u qabilsan Gobolada Konfureed ayaa waxaa hoos imanaya Howlgalada Amisom ee ka socda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo Bay iyo Bakool iyo Hiiraan.
Idale News Online