Geeraar ma tirinoo, Gu’ horaan ka haajiray,
Gabayana ma qorinoo, Goor horaan warkii dhigay.
Gogol xariira uma fidin, Guurowgiyo ciyaaraha,
Shirib goobo uma xirin, Gadoon xiisa uma qabo.
Guux wisaqana daa, Gocashase ii timid.
Gudoon dowladnima iyo, Gobonimadii Qarankaa,
Galabta laysu keenoo, Garwadeen Xaqqaaniya,
Gurigii Ummadda_iyo, Madaxtooyo soo galay,
Gees inaan ka qabanoo, Guule aan u barinaa,
Gashigeenu yahayee, Adiguna gudoonsoo.
Gabay qiiro badaniyo Geeraar u soo tiri.
Gayigeena Hodankaa, Gaajada maxaa baday,
Gurboodkeena Ubaxaa, Geerida maxaa baday.
Gaadaha qoryaha suran, Garwaxeyda miinada,
Gablankiyo dhibaatada Guroftaan faqigu galay,
gayigeena yaa dhigay
Gumeytahaan madowee, Guryaheena meersaday,
Yaa Goroda noo suray,
Gabdhaheena ugubka, Guunaydaan lahayniyo,
dhaqankeeni gaamuray, Yaa katuuray gabi dheer
Goodkiyo abeesada, Guntiga aad ku wadataan,
iska Gooya Gafanaha, Dhiigiinii gororsaday,
Gumeystaha Kalkaalkaa, Gaday xeebaheenii,
Calankeeni gaasiray, Galabtey Gudboon tahay,
Inaad Garabka Siisaan, Geesigaan inoo kacay.
Guuloow Ilaahow, Gacmahaynu hoorsanay,
Galadaan ku waarniyo, Gayigoo barwaaqo ah,
Godob aaney jirinoo, gacaliyo xigaaladu,
Guryahaysku booqdaan, Gabdho laysa siiyoo
Gabladiyo aroosyada, Gaaf laysu xira oo,
Guurtidiyo duqowduna, garwadeen yihiinoo,
Xaqa ay garanayaan, Garsoor nabada jecliyo,
Gobonimo Na gaarsii. Adigaa garanaye Rabow Geesta Nooroon
Waxaa Tirisay Abwaanad: Farxiya Xuseen Cumar.