Garyaqaankii hore ee dowladii Somalia oo ku geeriyooday magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia

0
234

 

Waxaa Dalka Sacuudiga Taariikhdu markey ahayd 15/1/2014  ku Geeriyoodey Allaha u Naxariistee Marxuum Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ahaa Garyaqaankii Guud Qaranka ee Dowladii Hore ee Kacaanka ka dib markii uu in Muddo ah ku Xanuunsanaa dalkaas.

Dr.Cabadiraxmaan Maxamed Cumar sidoo kale dowladaas ka soo noqdey Agaasihiimihii Guud  Wasaaradda Garsoorka , waxaana wax ka weydiiney Ing Sidow Xasan Mahadi oo muddo dheer  is yaqaaneen Dr. Cabdiraxmaan wuxuuna noo sheegey in ahaa Shaqsi aad u wanaagsan, islamarkaana Dabaacad Wanaagsan , Shaqadiisana  iyo Balanta aad ugu Fiicnaa .

Eng Siidow Hassan Mahdi oo hadda  ah Gudoomiyaha  Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn Human Rights ayaa waxa uu sheegey in markii ay Dagaaladii Sokeeye ka dhaceen dalka waxaa uu Dr Cabdiraxmaan  isku dayey in uu ka qayb qaato sidii Ummada Soomaaliyeed u Heshiin lahaayeen hase yeeshee  Eng Sidow  waxaa uu  sheegey in markii uu  ka Niyad jabay Xaaladda Soomaaliya ayuu waxaa Goostey in uu dalka isaga Dhoofo  isagoo muddo Dheer ku noolaa Dalka Sacuudiga Caraabiya uu Aakhirkii ku Geeriyoodey

Marxuum Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa intii uu ku sugnaa dalka Sacuudiga waxaa ahaa Shaqsi  ka shaqeyn jirey sidoo  Xal looga gaari lahaa arrimaha Muqrugsan ee ka taagnaa Soomaaliya isagoo ka qayb galey Shirar badan oo lagu heeshiisiinayey Ummada Soomaaliyeed ,waxaana halkaan looga Tacsiyadeynayaa Qoyskii iyo Eheladii uu ka Geeriyoodey Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar gaar ahaan Qoyskiisa oo ku noola Dalka Australia

Maamulka iyo Shaqaalaha Idale News waxay sidoo kale tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr. C/raxmaan Max’ed Cumar waxayna Ilaahey uga baryeen inuu Janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna Samir iyo immaan ka siiyo aamiin.

 

Idaale News Muqdisho