Ganacsade Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
342

Muqdisho(INO) — Kooxo hubeysna oo aan la garanayn ayaa ku dilay xalay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir Muwaadin Soomaali-Canadian ah oo dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo lagu dhex-toogtay masjid uu Salaad ku tukanayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumkan ay toogteen laba wiil dhallinyaro ah, kuwaas oo dhawr jeer Toogtay ka hor intii aanay baxsan. Waxaana la sheegay in la toogtay isagoo sujuudsan.Sade Mahad Dirir Guuleed oo 40-jir ahaa, ayaa ka yimid magaalada Toronto, Inkastoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilkiisa isla markaana aysan jirin cid sheegay mas’uuliyadiisa, ayaa haddana waxaa dilalka noocan oo kale ah ka geysta Muqdisho xoogag taabacsan Al-shabaab.

Maydka marxuumka ayaa waxaa masjidkii lagu dilay ka qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa; iyadoo dilkiisa uu noqonayo mid ka mid ah dilalka joogtada ahaa ee Muqdisho ka sanadihii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Sade Mahad Dirir ayaa wuxuu dalka kusoo laabtay 4-sano ka hor, markaas oo tiro badan oo Soomaalida ku noolayd Canada ka mid ah ay dib guu soo laabteen dalka, si ay qayb uga qaataan dib u dhiska dalka.

Idale News Online, 

Somali News Desk, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here