Galmudug State oo si faah-faahsan uga hadashay dagaalkii Gaalkacyo

0
207

Galkacyo(INO)- Maamulka Galmudug, ayaa waxa ay ka hadleen dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, iyadoo Maamulka Galmudug ay beeniyeen in dagaalka ay qayb ka ahaayeen xubno Shabaab ka tirsan, xilli Puntland ay jeedisay eedeynta noocaasi ah.

Galmudug ayaa sheegtay dagaalka inuu biloowday, kadib markii Maamulka Puntland ay dhismo ku bilaabeen dhul uu muran ka taagan yahay, kaasi oo ay ku muransan yihiin Maamulada Galmudug iyo Puntland.

“Waxaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlad- Goboleedka Galmudug iyo kuwa Puntland kadib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo gelin oo murano ka jireen iyaga oo howlgalkooda ka bilaabay rasaas ay soo fureen, ciidamada Galmudugna halkaas ayay difaac iyo iska cabin ka bilaabeen.”

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Puntland ay sheegtay dagaalkaasi inuu u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug oo Shabaab garabsanaya iyo ciidanka Puntland.

“Waxaa wax lala yaabo ah in Puntland Warsaxaafadeed ku soo saarto waxaa na soo weerar Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab isgarabsanaya taas oo ah faham aad u hooseeya, waayo wax isgarabsi ama cilaaqaad ah oo ka dhaxeeya ama ka dhaxaynkara Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Al-Shabaab ma jiro, balse Galmudug iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana ka go’an Galmudug in ay ka sifeyso degaanadeeda Al-Shabaab.”

Waxaa kale oo nasiib darro ah in Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay in duulaanku uu ah mid aargoosi ah oo looga jawaabayo dagaalki jeexdin, taas oo aan u aragno in ay Puntland ugu saantirayso weerarka ay soo qaaday waxayna caddayn u tahay waxa xumaatada ah ee ka buuxa qalbiyada maamulka Puntland.

Halka Galmudug ay ka go’antahay ku shaqaynta mabaadiiada nabad-ku-wada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul sida aan horayba ugu baaqnay marar badan.

Galmudug waxy u bandhigaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba( EU, AU, IGAD) in ay hoos u eegaan dhadhansadaana erayada deelqaafka ah ee mar walba kasoo baxaya maamulka Puntland, isla markaana xal loo helo erayada ah Galmudug iyo Al-shabaab is garabsanaya ayaa na soo weeraray, iyo Al-shabaab ayaa lagu laayaya Jeexdin, taas oo aan u aragno in Puntland ay dab shidan ku sii shubayaan shidaal, waxaana uga digaynaa Maamulka Puntland ku cel-celinta erayadaas ay beryahan caadada ka dhigteen, ku cel-celinta erayadaas wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada waxaa masuuliyadeeda qaadi doona Maamulka Puntland.