Galmudug Oo Sheegtay Inay Hareereeyeen Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab

0
288

Cadaado(INO)— Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay hareereeyeen illaa 120 dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo ahaa kuwii ka soo firxaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Mesagaway) ayaa sheegay in howl galka ay wadaan Ciidamada Galmudug uu ku fiday deegaanada Galhagoog, Dinooda, Af-Barwaaqo iyo Towfiiq.

Mr Mesagaway ayaa sheegay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee ku go’doonsan deegaanada dhaca Bariga Galgaduud ay ku jiraan rag ajaaniib ah

“Awoodda ciidankeena ay leeyihiin iyo taageerada shacabka ayaa suura gelisay inaan cadowga meel kasta ugu galno, waxaana rajeynayaa inaan dhowaan soo afjari doono hawl galladan, isla markaana aan dhulka oo dhan ka sifeyno cadowga” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Waxaa uu sheegay in dagaaladii u dambeeyay ee ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen illaa 11 ruux, halka 25 kalena nolosha ku qbateen, kuwaasoo lix ka mid ah ay dhaawac yihiin.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan degmada Xarardheere, waxaana la sheegayaa in dhaq dhaqaaqyadaas ujeedkooda yahay sidii wado loogu furi lahaa dagaalyahanada ku go’doonsan deegaanada bariga fog ee Gobolka Mudug.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here