Galmudug oo loogu baaqay in ay la heshiiso Ahlusunna Waljamaaca

0
315

Cadaado ( INO)- Xildhibaan Muxuyidiin Sunni oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta sar sare ee Galmudug in ay ka shaqeeyaan nadeynta  deegaanada maamulkaas.

Muxuyidiin Sunni ayaa sidoo kale ku booriyay Madaxda Galmudug in ay soo dhaweeyaan Ahlusunna Waljamaaca taas oo ka dhigan in shacabka deegaanada Galmudug ay helaan maamul mid ah.

Waxa uu intaas sii raaciyay Xildhibaanku in maamulka Galmudug  ay masuuliyad ka saaran tahay in uu ka samata bixiyo shacabkiisa dhibaatooyinka hareeyay ee khilaafyada iyo horumar la’aanta intaba.

Ugu dambeyn Mudane Muxuyidiin Sunni ayaa shacabka Galmudug ku tar tarsiiyay in ay dhammaan ka wada shaqeeyaan midnimadooda ayna ka gudbaan Tafaraaruqa.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here