Galmudug oo Gaalkacyo kusoo bandhigtay Maxaabiis

0
204

Galkacyo(INO)- Ciidanka maamulka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay Maxaabiis  ay sheegeen in ay kusoo qabteen dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maxaabiistaan ayaa Galmudug ku sheegtay in Qaarkood ay ka yimaadeen Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Tirada Maxaabiista waxa ay gaaraayaan  saddex nin sida uu sheegay taliska ciidanka booliska gobolka Mudug.

Saddexdaan nin ayaa Galmudug ku sheegay in lagu soo qabtay dagaalka ay kula jiraan maamulka Puntland , lakiin ciidankaan ayay  ku sheegeen in ay ka mid yihiin ciidamo maamulka Jubbaland ay u soo direen dagaalada Magaalada Gaalkacyo.

Mid ka mid ah dadka lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa waxa uu qabaa dhaawac sida ay sheegeen Taliska ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ku aadan maxaabiista maamulka Galmudug ay kusoo bandhigeen Magaalada Gaalkacyo.