Gaaska Puntland Oo Ka Baaqsan Raba Shirka Istanbul, Kuna Wajahan Washington

0
191

Garowe(INO)— Warar soo baxayay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku sii jeedo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu 20-kii sano ee u dambeeyay ku noolaa, Macalina ka ahaa Jaamacad ku taal.

Madaxweyne Gaas oo hada ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu halkaas kulamo kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo kulamadii uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Itoobiya lagu arkay isagoo miiska u saaran Calanka Puntland, una muuqday sidii dowlad madax banaan oo kale.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in aysan macquul aheyn xilligan in Madaxweyne C/wali Gaas uu ka qeyb galo shirka Istanbul ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka ee bisha Agosto dalka ka dhacaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u qaadacay go’aankii bishii Janaayo laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya, isagoo cadeeyay in Puntland aanay u cuntameyn nooca doorasho ee lagu soo xulayo Baarlamaanka soo socda nidaamka 4.5

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Puntland ku cadeyneyso in aanay ka qeyb galeyn shirka Istanbul, ayaa hadana hadal heynta ugu badan ay tahay in Madaxweynaha Puntland uu ku wajahan yahay Washington.

Shirka Istanbul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, qeybaha bulshada iyo Madax ka socota Beesha Caalamka, iyadoo shirkaas lagu saxiixi doono go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga qaran.

Dhowaan ayay aheyd markii Wafdi ka socday Beesha Caalamka oo Garowe u tagay sidii Puntland ugu soo qancin lahaayeen hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaya sanadkan 2016, waxaana kulamadaas ay noqdeen kuwo natiijo la’aan ku dhamaaday.

Idale News Online,

News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here