Gaari waday Gargaar oo lagu weeraray Gobolka Bakool

0
216

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay maanta Weerar ku qaadeen Gaari Mucaawino oo marayay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Waxaa la sheegayaa in Weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac kadib markii Al Shabaab ay gantaalo ku garaaceen Gaarigii waday Mucaawinada kaasi oo ku sugnaa Degmada Waajid.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Afka Dowladda Soomaaliya ku hadasha, Al Shabaab ayaa jidka u galay Gaari Mucaawino waxaana Gaarigaasi soo gaaray Khasaaro inkastoo aan la cayimin Khasaarahaasi.

Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab ku eedeeyay Qarax Khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Maqaaxi ku taala Degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool.

Gaari gargaar

Idale News Online, Bakool.