Gaalkacyo xalkeedo sidee ku imaan karaa

0
929

Gaalkacyo dagaalka soo noqnoqonaya oo ay wado madaxda maamul gobeedka galmud oo keenaya in dadka walaalaha ah ee wada dhashay ee kuwada nool magaalada gaalkacyo dushooda laysku waydaarsado madaafic iyo hubka culus dan maamul goboleed ay u tahay ma jirto .

Qaabka uu maamulka galmudug uu raadinayo sidii loo midaynlahaa oo loo soo celin lahaa gobolkii mudug hore oo u kala qaybsan galmudug iyo puntland ma noqonayso joogtaynta dagaalka , in loo helo maamul midaysan galkacyo oo khadka cagaaran laga gudbo kuma imaankarto dagaaal joogta ah , himiladaas waxay ka unkamikartaa oo kaliya dadka degaanka daggan oo wada hadla oo gogol iskugu yimaada , ka tashada aayahoodu iskuna tanaasula meesha ay raacayaana doorta qaabka ay noqonayso , qayb walbana ay ka hesho waxa ay xaq uleedahay , lakiin deegaan aadan dagin baan sheeganayaa maamula ahaan oo dagaal baan ummad ku maquuninaynaa wax suurta gal ah ma naqonayso , waa burburinta heshiiske nabadaynta gobolada mudug oo ay gaareen allaha u naxariistee Cabdullahi yusuf iyo caydiid oo gunta laga soo bilaabay , nassib daradiisuna ahayd in aan si qoto dheer loo dhamaystirin , ayna tahay manta in isimada , waxgaradka iyo culimaa u diinkuba u dhashay gobalka in ay isku yimaadaan oo xal u raadiyaan dhibaatada ka taagan Galkacyo si xal loo dhanyahay loo helo .

Waxaan hubaa dhibka soomaaliya ka taagaan waa maamulgoboleedyo ku sheega dhisan oo kala qoqobay ummadii soomaaliyeed , 4.5 waxii la mid ah , haday suurta galiwaydo in ummadaas laysku keeno oo dib u heshiisiin dhab ah lakala dhexdhigi waayo , waxaan leenahay maamulgoboleedyo ku sheegu in ay u turaan umaadda ay sheegayaan in ay maamulaan oo aysan korkooda maalin walba ku dagaalamaan , in xabbadda la joojiyo , waxaan hubaa mar aan dheerayn in laga gudbi doono maamul goboleedyadaan oo soomaliya oo mid ah oo walaala ah la heli doono , ninkii umalynayaa in dagaal xal lagu gaaro waad marin habaabsantahaye , dagaal wiil baa ku dhintee nabad laguma helo , waxaan leeyahay beelaha dagga gaalkacyo waxa dantiina ah idinkaa og , isku imaada oo tashada wa billahi towfiiq .

W/Q: Prof ; Moxamud Xaaji Cabdiraxman
mabdurahman1@gmail.com