Gaadiidleyda Gobalka Shabeelaha Hoose oo Maanta gobalkaasi ka dhaqan geliyay Shaqo joojin (Warbixin+Sawiro).

0
198

Waxaa Maant gaadiid la’aan baahsan ka jirtaa Wadooyinka soo gala Gobalka Shabeelaha hoose iyo kuwa ka baxa, kadib markey Gaadiidleyda ka howlgasha Gobalkaasi ay g’aan ku gaareen shaqo joojin.

Wadooyinka sida weyn usaameysay Gaadiid la’aanta ayaa waxaa ka mid ah Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye iyadoona Maanta wax gaadiid ah ka bixin Bosteejooyinka Afgooye , Shalaanbood , Ceelasha Biyaha iyo meelo kaloo badan.

Mid ka mid ah Gaadiidleyda shaqo joojinta dhaqan geliyay oo ku dibadbaxaayay wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye ayaa la hadlay Idaacadaha ku yaal Muqdisho oo sheegay in ay shaqo joojin ka doorbideen halka dadka iyo gaadiidka lagu wax yeeleen lahaa isbaarooyinka yaal gobalka.

Shaqo joojinta Maanta ka dhaqan gashay Gobalka Sh.hoose ayaa kusoo beegmeysa xili Maalin nimadii shalay ay Gaadiidleyda gobalka kulan ku yeesheen Degmada Afgooye kulankaas oo ka soo baxay iney shaqo joojin sameeyaan.

Isku soo wada duuboo Gaadiidleyda gobalka Sh.hoose ayaa ka cawanaaya Isbaarooyin hor leh oo ay Ciidamada dowlada soo buux dhaafiyeen Wadooyinka mara Gobalka Sh.hoose iyagoona ku wax yeeleeya Rakaabka iyo Gaadiidka isticmaala wadooyinkaasi.
gadiid-
gadiid1-
gadiid2-
gadiid4gadiid5-
Idale News Online, Afgooye