Kismaayo(INO)-Xog muhiim ah oo ay heshay Shabakada Idale News Online ayaa sheegaysa in Odayaasha beesha Mareexaan ay isku raaceen in si baryo aan ahayn shirka Midnimo looga qeybgaliyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag.
Odayaashan ayaa isku raacay Laba arin midkood in uu kala dooran doono Fartaag, taasi oo ah, in beeshiisa dhinaca ka raco, lana qabo wax walba oo ay qabaan, ama in beesha laga saarayo, loona arkayo shaqsi iyaga cadow ku ah.
Maalinta Arbacada ah ee soo aadan gelinkii dambe ayaa loo madalsan yahay in la waco Fartaag, loona sheego go’aanka laga soo gaaray.
Lama oga sida uu sameyn doono madaxweyne ku xigeenka marka go’aankaan adag loo soo bandhigo.
Idale News Online, Kismaayo.