G/Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur

0
188

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur ku yimaada maamulka, isagoo ku baaqay in gacmaha la is qabsado.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado in burbur ku xigo, waxaana uu soo jeediyo in wixii qaladaad ah lagu saxo gudaha maamulka.

“Khilaaf iyo faro isku taag taag wax ma tarayo, hadii la is khilaafo fashil ayaa imaanaya, burbur ayaa ku xigo, wixii qaladaad ah gudaha aan ku saxano, Baarlamaan leenahay, xukuumad leenahay, odayaal ayaa leenahay”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa hadalkiisa si gaar u taabanayay xaalado siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay ka soo if baxayay maamulka iyo eedeymo Xildhibaanada u jeedinayeen Madaxweynaha.

Maamulka Hirshabeelle oo ah maamul curdun ah ayaa sagaal bilood gudahood ku bedelay Madaxweynihii ugu horeeyay ee uu yeesho, waxaana dad badan ku dhaliilaan inuu yahay maamul fadhiid ah.