Foodo:Doorashada Kursi ka tirsanaa kuraasta Gobolada Waqooyi ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa…..

0
183

Doorashada Kursi ka tirsanaa kuraasta Gobolada Waqooyi ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo fowdo, ka hor inta aanay bilaaban codeynta.

Doorashada kursigan oo ka dhaceysay Hotelka Naasahablood ee agagaarka KM4 ayaa dib loo dhigay, markii madasha ay ka bilaabatay buuq iyo gacan ka hadal.

Musharaxiinta ku tartamayay kursigan ayaa kala ahaa Faatax Saciid Xasan Geeddi oo aabihii uu kursigan ka geeriyooday sanadkii hore iyo Musharax C/raxmaan Axmed Ceynaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharax C/raxmaan Axmed Ceynaan taageerayaashiisa ay fowdada bilaabeen, waxaana markii dambe buuq iyo sawaxan madasha doorashada isaga baxay Mr Ceynaan.

Illaa labataameeyo Ergo oo aheyd taageerayaasha Musharax Ceynaan ayaa isaga baxday hoolka doorashada, taasoo kooramka ergada wax dooran laheyd ay dhamaan weyday, sida uu qabo xeer hoosaadka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqay in doorashada dib loo dhigay, isla markaana dib laga soo sheegi doono.

Kursiga ayaa ka mid ahaa kuraasta Beesha Samaroon (Gadabuursi) ee ka soo jeea Gobolada waqooyi ama Somaliland oo doorashadiisa horay loogu asteeyay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.