Wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isugu jira Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ayaa maanta deegaanka Janaale ee gobolka shabeelaha hoose kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo u waramay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in kulama ay la qaateen saraakiisha ciidamada iyo Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu u jeedkiisu ahaa sidii ugu kuu rgeli lahaayeen xaaladda amniga iyo tan bulshada ee halkasi ka jirta, waxaana uu intaa ku daray in kulankooda uu guul ku soo dhawaamay.
“Ciidamada halkaan jooga waxa ay yihiin kuwa u taagan gudashada waajibaadkooda, anagana si aad ah ayaan u qiimeynay hab dhaqankooda, runtii waxaan isleeyahay waa ciidan u taagan in ay dalka ka xureeyaan maleeshiyaadka Al shabaab eek u dhuumaaleysanaya qaybo yar oo gobolka ka tirsan” ayuu Wasiir C.xakiin hadalkiisa ku daray,.
Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay inay meel wanaagsan u marayso waan waantii ay u tegeen gobolka, isagoo xusay in maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay gobolkaasi lakala qaaday.
“Labadii maleeshiyo beeleedyo waan kala qaadnay, si KMG ah ayaan meelo u kala dejinay, waxaa noo qorsheysan in aan tababar u fidino maleeshiyaadka, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sikastaba ha ahaatee waxaa dhawaanahan ka socdey gobolka sh/Hoose dagaal beeledyo kuwaasoo sababay dhimasho,dhaawac iyo weliba barkac xoogan oo ka dhasheen dagaalka.
Idale News Online