Axmed Macalin Fiqi “Waa wax laga xumaado in Wasiiro ay si aan mas’uuliyadi ku jirin uga hadlaan dhacdadii Bariire

0
187

Idalenews:Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dadkii shalay lagu laayay deegaanka Bariire, isagoo ku eedeeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda in si aan mas’uuliyad ku jirin uga hadleen.

“Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro Xukuumadda ka tirsan ay si aan mas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan, iyagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Al-Shabaab la laayey”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Wasiiro ka tirsan dowladda ay hadalo is burinaya muddo kooban gudahood ka soo saareen dhacdadii Bariire, isagoo tilmaamay in taasi ay shaki gelineyso Mas’uuliyadda ay sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadalooda.

 

“Ma jirto hawlgallo kala duwan oo  ka dhacay Bariire, waxaa dhacay oo kaliya hal hawlgal oo ah midka dadka rayidka lagu laayey AUN, warka wasiir Yariisow uu ku nasaqay kiisii horena waa been-abuur aan waxba ka jirin”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shir ay yeesheen Xildhibaanada, wasiirada iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda dadka la laayay, isagoo ku baaqay in cidii mas’uuliyadaas leh lala xisaabto, isla markaana loo saaro Guddi baaritaan oo waafi ah

“Waxaan aaminsanahay in ciddii dambigaasi ku caddaado sharciga la horkeeno, wasiirada shahaadatu zuurka iyo marin habaabinta umadda shaqada ka dhigtayna ayagana umadda laga hor-wareejiyo”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya, xilli shalay dad gaaraya 10 ruux lagu dilay deegaanka Bariire, kuwaasoo dad beeraley ah, iyadoo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay dhacdadan uga hadleen si iska soo horjeeda oo jahwareer badan dhaliyay.