Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
Dhowaan waxay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadamaha, Sahra Cali Samantar u soo bandhigtay ummaadda iyo adduunweynaha Qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Jinsiga; kaasoo iftiin rajo iyo bishaaro u ah inta uu codkoodu gaaban yahay, taagtooda iyo tabartooduna yartahay – haweenka, carruurta, naafadada, taagdaranta lab iyo dheddigba.
Qoraalku wuxuu si tifaftiran uga hadlayaa himilda dawladda ee ku wajahan wax-ka-qabashada sinnaanla’aanta fursadaha labada jinsi, naafada dagaalkii sokeeye, iyo guud-ahaan naafada iyo taagdaranta kale: rag, dumar, carruur iyo waayeel. Wuxuu wax ka qabanayaa caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaale- u-abuurista haweenka iyo danyarta. Gaar-ahaan wuxuu qoraalku tilmaamayaa caqabadaha hortaagan sugidda xuquuqda haweenka iyo aqoonsila’aanta kartidooda iyo kaalintooda xag dhaqaale, bulsho, iyo siyaasad; kuwaasoo badiba kaga imanaya xagga ku-dheggenaasha bulshada caadooyiin iyo fikrado xun oo ay ummadaha dunidu, gaalo iyo Islamba, hore uga gudbeen, nidaamka qabiilka, oday dhaqameedka, iyo inkaloo diinta si qaldan u fasiraya una adeegsanaya. Sida ay sheegeen Urarrada Caalamigu, Soomaaliya waxay xagga Qiyaasta Sinnaanla’aanta Jinsiga ka gashay 0.776; taasoo ka dhigan jagada afaraad ee ugu sarraysa ee caalamka.
Si siyaasadda ku qeexan qoraalku ay u noqto mid loo dhanyahay, waxay bishii Jannaayo, 2016 Wasaaraddu Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ku qabatay Muqdishow shir bilow wadatashi, oo ay kasoo qaybgaleen kooxaha u dooda bulshada iyo xubnaha bulshada rayidka oo ay culummaduna ka mid tahay, si laysula meeldhigo qaabka Qabyo Qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Jinsiga. Bishii May, 2016 kidib markii uu Golaha Wasaaradda ee Wasiirka Kowaad, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke ansixiyey, waxay Wasiir, Sahra Cali Samantar si rasmi ah qoraalka ugu gudbisey Lydia Wanyote, Kuxigeenka Mumasilka Garka ah ee Guddoomiyaha Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ugu hambalyaysay guusha waxqabdkan.
Tallaabadani waa mid ay si gaar ah haweenka Soomaaliyeed u sugayeen, waxaanse ka xumahay inay qaar ka mid ah wadaadda Soomaaliyeed ku degdegeen waxkasheegidda qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Jinsiga; taasoo malaha haddii ay si niyadsami iyo maskaxfurnaani ku jirto u akhriyi lahaayeen qoralka ayan mas’alo habaabeen. Dhawrista, xoojinta, iyo daafacaadda diinta Islaamku waa wax naga wada dhexeeya kuna ah fardhil cayn qofkastoo ah mu’min ama mu’minad.
Waxaa la yiri, waxaa qoraalka ku jira qaybo xalaalaynaya sinada; kuwo xusaya jinsi aan lab iyo dheddig midna ahayn; kuwo ku tarbiyaynaya gabdhaha inay kasoo horjeestaan waalidkood, diidaanna amarka ragga ay u dhaxaan; iyo kuwo lagu ciqaabayo waalidkii guda gabdhohooda.
Si qoto dheer baan u akhriyey qoraalka min arar ilaa gabagabo, kumana arag waxyaabahaas iyo wax kaloo diinteenna kasoo horjeeda ama wax u dhimaya. Siidiisana qoraalkaan Siyaasadda Qaranka ee Jinsigu waa mid -sida magaciisa ku cad- ka hadlaya ”siyaasad” ee ma aha “sharci”. Wuxuu qorayaa inuu saldhiggiisu ku qotamo Shareecada Islaamka, Dastuurka KMG, iyo Shuruucda Caalamiga ee Aadanaha inta aan kasoo horjeedin diinteenna. Waa run oo waxaa ku jira, qoraalkuna uu tilmaamay, arrimo badan oo u baahan sharci, sida kan xaddidaya da’da guurka, kan guurka qasabka ah ee gabdhaha yaryar, kufsashada haweenka, iyo ciribtirka gudniinka nooc kastoo uu yahay; kuwaasoo markii goortooda la gaaro, ee la doorto barlamaanka cusub, lana dhiso dawladda cusub si wadajir ah looga wada tashan doono, haddii Eebbe idmo.
Lama joogo goor ay dawladdeenna iyo culummadeennu isku hawliyaan muran arrin wanaag mooyee xumaan u keeneyn haweenkeenna qiimaha leh, carruurteenna, naafadeenna, iyo danyarteenna. Waxaa dawlad, culummo, iyo dhammaan shacabkeenna, rag iyo dumar noo wada yaal hawlaha culus ee dib-u-dhiska dalkeenna, ka xoraynta dadkeenna dulliga saboolnimada, iyo jahliga, la dagaallanka argagixisada hororka ah, iyo badbaadinta dhallinyaradeenna ay maydadkoodu daadsanyihiin xeebaha Badda Cas iyo Badda Dhexe
Waxaan ku jirnaa dabayaaqadii xilligii doorashada xubnaha xildhibaannada barlamaanka cusub, sidaa awgeed waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Kowaad, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyaha Barlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ergeyga Qarammada Midoobey ee Soomaaliya, Michael Keaten, iyo Mumasilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Ururka Midnimada Afrika, Danjire Mahmet Salaha Annadif, si xushmad leh ugu boorinayaa inay sugaan sidii aan haweenka Soomaaliyeed loo duudsiin mar kale qaybta 82da xubnood ee ay ku leeyihiin barlamaanka cusub ee ka kooban 275; taasoo qiyaastii u dhiganta 30%.
Iyadoo uu qoraalku u baahan yahay sii qurxiin xagga tansiiqa iyo sixidda qorista erayada qaarkood, waxaan ku talin lahaa in qaybta 5.0 Dowrka iyo Waajibaadka Hay’adaha Dhaqaalaha lagu daro wasaardaha Beeraha, Xannaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Bulshooyinka beeraleyda, xoolodhaqatada, iyo kallumaysatada rag iyo dumar waxay u baahan yihiin in baahidooda wax laga qabto.
Ugu dambayn, waxaan magaca haweenka Soomaaliyeed mahad iyo boogaadin ugu soo jeedinayaa Wasiir Sahra Cali Samantar, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, UNSOM, Ururka Midowga Afrika, UNDP Soomaaliya, iyo ciddii kaloo gacan ka geysatay soo diyaarinta qoraalkaan qiimaha u leh haweenka, carruurta, iyo taagdaranta Soomaaliyeed.
Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
Email:fcalim4@gmail.com