Baydhabo(INO)- Waagii Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed lagu soo dooranayay shirkii Imbigaati Kenya ayaa aniga iyo dhowr qof waxaan Madaxdii ururkii RRA oo wagaas magac ahaan un u jiray oo ayaga dhax dooda dagaal dhax maray, waxan talo ahaan u soo jeedinay in sanadkaas aan qof Digil iyo Mirifle ah isku sharaxin gudoomiye baarlamaan.
Waxaan xusuustaa Hadal uu wagaas igu dhahay mid kamid ah waxgaradka Digil iyo Mirifle kaasi oo ahaa sida tan,” walaal waqti yuusan kaaga dhumin Fikirkan hada aad soo jeedisay, anagoo group ah Oo Korneel Shaati Kamid yahay ayaan soo jeedinay wagii Dowladii Cabdiqasim Salaad in aan Gudoomiye Baarlamaan la isku soo sharaxin, anago sidaas isku og waxan halmar isla wada aragnay Cabdalle Deerow oo sharaxan iyo asagii oo gudoomiye noqday, marka tana waa un sidaas ee iska dhaaf “.
Anigo hadalkii odayga niyada ku haayo ayan fikirkayga ahaa in aan Gudoomiye Baarlmaan la isku sharaxin usoo bandhigay Dhaman Siyaasiyiintii digil iyo mirifle ee wagaas imbigaati ku sugnaa, intooda badana waxay i wada dhaheen oo aan si fiican u xasuustaa kalimad isku mid ah oo ahayd ” Mayeey wah senedkun madewiiny ley fadaane”.
Wuxuu shirkii socdaba waxan dharaar indhaha kuwada dhufanay Shariif Xasan oo sidii Cunug yar camala boot bootinaayo oo Gudoomiye Baarlamaan Loogu wacaayo, sidii ayaana shirkii Kenya lagu soo kala tagay oo dowladii lagu soo dhisay.
2012 kii mar kale rag badan ayaa soo jeediyay in aan la isku soo sharaxin Gudoomiye Baarlamaan oo aad moodid dhaxal u noqday digil iyo mirifle.
Balse maxaa dhacay mar un ayaan indhaha ku kala qaadnay Prof Jawaari oo beesha caalamkaa wadato lagu haayo, waxan is waydiiyay beesha caalamkaba haday wadato maxay Madaxweyne ugu dhigi wayeen oo anaga aan ugu bixi lahayn iskoorkan xun balse wax jawaab isiiya waan waayay.
Isla sidii kuwii hore waxan shaashadaha ka daawanay markale jagadii Dhaxalka aan u lahayn oo nin Digil iyo Mirifle ah loo caleemo saarayo daba yaaqadii 2012.
Hadaba waxaan waqti galiyay oo aan baaray sida cinwaanka maqaalka kor ku xusan aad ka dareemi kartaan , hadii aan rabno in qof Digil iyo mirifle ah Madaxweyne Mar Noqdo waxaa ka horeeyo marka hore in aan aragno oo aan helno qof dhiiran oo Musharax Madaxweyne inuu yahay ku dhawaaqa sida kuwan hada sheeganaya cml aan aragno, oo ugu yaraan dal iyo dibad xaflad ku qabta.
Taasi waxay bilow u noqon kartaa hamiga iyo damaca aad ka leedihiin Hogaanka sare ee dalka lkn war idin noqon mayo in qofka idinka mid ah oo aan xitaa damacii musharaxnimo qabin, marka Gudoomiye baarlamaan afka la idin galiyo ama mid idinka mida ah uu jagadaas isku soo sharaxo inaad ku doodaan “” Mayeey wah senedkun madewiiny ley fadaane” .
War Digil iyo Miriflow In damac idinka galo Hogaanka Dalka waxaa ka horeeyo in aad hami Musharaxnimo xitaa yeelataan oo midkiin uu ku dhawaaqo inuu yahay musharaxmadaxtinimo.
Raga Siyaasiyiinta Digil Iyo Miriflow ilaahay ayaan idinku dhaar shee ma waxaad ka liidataan qabaailka kale dumar kooda oo ilaa Labo dumar ah ayaga ah isku soo sharaxay jagada dalka ugu sareyso ee madaxtinimada!!Sub-Xanalah!!!.
sida aan lawada soconana marka laga soo tago Dir,Hawiye iyo Darood mid walba waxaa u sharaxan min 10 shaqsi ku dhawaad oo mid walba ayaga kamid ah afka markuu furaba sheeganaya in hadii dalka loo doorto wax badan isbadal ah samayn doono.
War Siyaasiyiinta Digil iyo Miriflow 10,000 kun ee la isku sharxo iyo 2000$ ee xaflada ku dhawaaqista musharaxnimo lagu qabsado ayaydan awoodin?
War Maxaa dhacay!! Ma Damacii ayaanba jirin mise umada kale waxba lama wadaagi kartiin oo maba xukumi kartiin, koley waan wada ognahay wagii Koonfur Galbeed Lixda gobol in 20 musharax baydhabo u imaaday sidii ay madaxweyne ugu noqon lahayeen KG6.
W/Q: Xasan Cali Koyte
AFEEF: Idale News Online Mar weliba Mas’uul Kama aha Aragtida Dadka kale, Qoraaga ayaan Xumaanteeda, Xushamadeeda iyo Xilkeeda Sida, Waxa Kaliye Idale News Online,Dhiiragalineysaa Is dhaafsi Aragtida, Canaanta Gacaliyo Tala Wanaag.