Farqiga dadweyne ee u dhexeeyay Obama iyo Trump xilligii caleema-saarkooda oo aad loo hadal hayo

0
162

Washington(INO)- Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal haysa farqiga u dhexeeya dadweynihii kasoo qeyb galay labada xaflad ee caleemasaar madaxweynayaasha Barack Obama iyo Donald Trump kuwaas oo kala dhacay sanadihii 2009-kii iyo 2017-da.

Xafladdii caleemasaarka Obama ayaa waxaa kasoo qeyb galay oo khudbadiisa dhageystay in ka bada hal milyan iyo sideed boqol oo qof (1,8 mill), halka madaxweynaha cusub ee Donald Trump ay soo xaadireen xafladdiisa caleemasaarka toddobo boqol oo kun oo keliya (700-kun)

Barack Omaba ayaa ku dhawaad saddex jibaar dadweyne ah haystay markii la caleemasaarayay sanadkii 2009, waxaana uu jagada dalkaasi hayay mudo siddeed sano ah.

Hadaba maxaa loo aaneynayaa hoos u dhaca shacab ee saa`idka ah ee ku yimid xaladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Donald Trump?

Labo arrimood ayaa loo kala qaaday. Midi waa in cimilada oo roob aheyd xafladda caleemasaarka Donald Trump iyo mida kale oo la sheegay in shacab badani aysan ku farax saneyn doorashadiisa kuwaas oo u badan dadka kalarka ah.