Faroole oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

0
372

Garowe(INO)— Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Faroole oo wariyeyaasha kula hadlayay hoygiisa ayaa sheegay ayaa sheegay in aragti ahaan aysan la wanaagsaneyn heshiiskii xalay lagu saxiixay Garowe, kaasoo Puntland ku aqbashay nidaamka 4.5 ee doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxaa cadeynayaa inaan ahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is leeyahay inaan dalka ka saari karo nidaamkan duqoobay ee 4.5″ayuu yiri Faroole oo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u doortaan xilka Madaxtinimada dalka, si uu ugu hogaamiyo wadada horumarka.

Waxaa uu sheegay in sidii markii hore uu uga soo horjeeday nidaamka 4.5 uga soo horjeedo, balse aanu waxba ka qaban karin, codna aanu laheyn,

Mar uu ka hadlayay sababta uu isu soo taagay ayuu sheegay inuu rabo in dalka uu gaarsiiyo doorasho xor ah, isla markaana uu baabi’inayo nidaamka fasahaadka ah, sida uu yiri.

“Waxaa rabaa inaan dalka gaarsiiyo doorasho xor ah oo hal qof iyo hal cod ah, iyo inaan dalka ku xukumo shareecada islaamka, nabada aan ka shaqeeyo iyo dib u heshiisiinta”ayuu mar kale yiri Faroole.

Faroole ayaa la aaminsanaa inuu mudaba ku taamayay inuu noqdo Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2014 lagaga guuleystay doorashadii Madaxweynaha Puntland

Dadka dhaliila ayaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay nid ad-adag oo diidmo badan, waxaana lagu xusuustaa sida uu wax walba u naqdin jiray xilligii uu ahaa Madaxweynaha Puntland.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here