Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay in Urur Gobaeedka IGAD uu aqbalay qorshe uu u bandhigay Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in gacan sedexaad ay xaliso khilaafka Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.
Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa in heshiis laga gaaro khilaafka hareeyay Madaxda Dalka iyo Dowlad Gobaleedyada waxaana Urur Gobaleedka IGAD ay u aragtaa inay si fudud arrintan xal kaga gaari karto.
Madaxweyne Farmaajo oo diidanaa in gacan sedexaad soo fara galiso arrimaha Dowlada dhexe iyo maamulada hoostaga ayaa hada u muuqda inuu wax ka bedelay go’aankiisa maadaama Dowlad Gobaleedyada ay ka biyo diideen codsiyo dhowr ah oo Dowlada Federaalka ay hordhigtay.
IGAD ayaa balanqaaday inay Guddi usoo magacaabeyso Khilaafka xumaaday ee kala fogeeyay wada shaqeyntii Dowlada iyo Maamulada hoostaga, waxaana shirar gaar gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada si tabashooyinka jira loo xaliyo.
Dowlad Gobaleedyada ayaa ku eedeeyay Dowlada dhexe inay kaga baxday balamo dhowr ah oo ay la gashay taasoo sababtay inay xiriirka u jaraan, waxaana isku xilsaaray xalinta khilaafka Aqalka sare oo u muuqda inuu wali natiijo cad ka helin kulamadii ugu dambeeyay ay la yeesheen Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug.
Share this: