Muqdisho(INO)— Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magaalada Muqdisho waxaa uu Qado sharaf ugu sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee Jubbaland laga soo Doortay.
Mr Farmaajo ayaa sharaxaad ka bixiyay hadafkiisa siyaasadeed, iyo waxyaabaha uu qaban-doono hadii loo doorto xilka Madaxweynaha.
“Dalkaan 16 sano kaddib umma baahna siyaasad aan hiil u ahayn ummadaan, waxaan u baahan-nahay in aan ka dhabayno dhaarta aan dalkan u marnay, waa in aan dhowrnaa dastuurka dalka iyo xeerarka caalamig ah, waa in aan la macaamil-naa aduunka iyo Dowladaha dariska ah”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
“Dalka waxaa uu u baahanyahay hoggaamiye dadajiyo dhismaha ciidan qaran lana Tayeeyo Ciidamada Soomaaliyeed si Meesha looga Saaro kooxaha Xagjirka, waxaan ku kalsoonahay in aan ahay shaqsi ay dhab ka tahay noolaynta iyo tayaynta noocyada ciidamada Qaranka iyo hay’adaha Nabadgalyada dalka” Sidaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.
Waxaa munaasabada ka hadlay ku dhawaad 20 xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Jubbaland, waxayna dhammaantood si guud ugu baaqeen in ay ka shaqeyn doonaan in ay Codkooda Siiyaan Hogaamiyaha ay u Baahan Yihiin Shacabka Soomaaliyeed,.
Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in mudane Farmaajo uu yahay hoggaamiye ku habboon in uu dalkaan Madaxwayne ka noqdo, xildhibaannadu waxay xuseen in ay baahi-wayn u qabaan hoggaamiye ummadaan dhiban u dhowro xaquuqdooda si ay waajibaadkooda u gutaan.
Kulankan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Ololaha Doorashada Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho.