Farmaajo oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada xoogga

0
240

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya waxa uu kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Difaaca dalka, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo dhammaan saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ku aadan dardar gelinta qaadista Howlgalada ka dhanka ah Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu diyariyay Degaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo dhowaan la doonayo in laga bilaabo Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab oo lagu wajahyo degaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ahmiyad gaar ah siinaya sidii Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, kadibna Dowladda ay ugu tafa xeedan laheyd degaanada Jubbooyinka.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan ka soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo lagu diyaariyay Ciidamo isku dhaf ah oo qaadaya guluf colaadeed oo ka dhan ah Shabaab.