FARMAAJO “Dibada ayaa loo diraa ama $100,000 ayaa la siinayaa qofkii soo sheega qarax meel la dhigayo”

0
189

Muqdisho(INO)-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbadiisii murashaxnimada ka hor jeediyay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, wuxuuna sameeyay balan qaadyo dhowr ah oo dhinaca amaanka, mushaarka ciidamada iyo baahiyaha bulshada.

Murashax Farmaajo ayaa ayaa balan qaadyadiisa ka mid ah in qofkii soo sheega qarax meel la dhigay ama la dhigayo la siin doono lacag dhan $100,000, haddii uu doonayana loo diri doono dalka dibadiisa, qorshahaasi oo ah mid yareynaya qaraxyada, hase ahaatee balanqaadkaasi ayaa u muuqda mid laab lakac ah oo afka baarkiisa ah.

Sidoo kale, waxuu balan qaaday in ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan in si joogto ah loo siin doono mushaarkooda haddii uu guuleysto, isla markaana aysan dhici doonin dib u dhac ku yimaada mudada mushaar qaadashada oo waqti go’an ay heli doonan.

Farmaajo ayaa arrin ay dadka soo dhoweeyeen ka hadlay, taasoo ah xiritaanka wadooyinka Muqdisho marka madaxdu baxayaan ama ay tegayaan goob ka baxsan xarunta ay degan yihiin, wuxuuna sheegay in haddii la doorto wado danbe loo xiri doonin mas’uul meel aadaya ama dalka ka dhoofayo.

Wuxuu kaloo ka hadlay Farmaajo masuqa baahsan ee ragaadiyay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in uu ula dagaalami doono sida Shabaab haddii la doorto.

“Waxaa la dagaalameynaa musuq maasuqa, sida Shabaabka cadaw ugu yihiin shacabka ayaa musuq maasuqa uu yahay cadawga horumarka” ayuu yiri Farmaajo.

Murashax Farmaajo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan safaro macno daro ah oo waqtiga lagu dhuminayo, dhaqaale badana ku lagu bixiyo, isagoo sheegay in aan loo baahneyn safarada badan ee dibada loo aadayo, dhaqaalihii ku bixi lahaana loo adeegsado in lagu daboolo meelo kale.

Ugu danbeyntii wuxuu musharax Farmaajo ballan qaaday in uu xoogga saari doono dib u heshiisiin, isagoo yiri “Madaxweyne noqon maayo ee Nabadoon ayaa noqonayaa, cid walba meesha ay joogta ayaa ugu tagayaa, waxaa xoojinayaa oday dhaqameedyada rasmiga mushaarna waa u qoraa”.