Fanaan caan ah oo geeriyooday isagoo masraxa taagan

0
319

Abidjan(INO)— Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Congo Papa Wemba ayaa geeriyooday isagoo saaran masraxa kumanaan ruuxna ay daawanayeen magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast,

Cajalad muuqaal ah oo la duubay ayaa laga daawaday Wemba oo dhacaya isagoo masrax saaran ayna dushiisa joogeen fanaaniin kale oo ciyaareysay waxaana la sheegay in uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaal.

Wemba oo ahaa 66 jir ayaa la sheegay inuu ahaa fanaankii qaabeeyay suugaanta dalka Congo isagoo safar ku maray dalal badan oo caalamka ah.

Sababta keentay geerida fanaanan ayaan la shaacin hase yeeshee dhakhtarkiisa ayaa laga soo xigtey in uu sheegay in Wemba caafimaadkiisu inuu ahaa mid wanaagsan.

Hase yeeshee Wemba ayaa sanadkii 2004tii waxaa lagu xiray dalka Faransiiska kadib markii lagu helay dambi ah in uu dad si sharci darro ah ku soo geliyay Faransiiska waxaana lagu xukumay saddex bi loo xabsi ah.

Sidoo kale Maxkamad ku taal dalka Belgian ayaa isla dambigan waxa ay ku xukuntay ganaax lacageed oo gaaraya $24,690 sanadkii 2012kii.

Wasiirka dhaqanka ee dalka Congo Baudouin Banza Mukalay ayaa ku tilmaamay geerida Wemba in ay tahay murugo u soo hoyatay dalka Congo iyo qaarada Africa.

wmba (1)

wmba (2)

wmba (3)

wmba (4)

wmba (5)

wmba (6)Idale News Online, Abidjan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here