Falanqeyn: Maxay Tahay Ujeeda Shirka Shariif Xasan, Gaas iyo Axmed Madoobe Ee Muqdisho?

0
209

Muqdisho[INO]-Waxaa maanta magaalada Muqdisho la filayaa inay soo gaaraan wafdi ay kala hogaaminayaan madaweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/welli Maxamed Gaas.

shariif&Gaas

Waxaa horay magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed  Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedada safarka seddexdaan masuul oo xiriirdhow uu ka wada dhaxeeyo ayaa ku fadhida micno weyn, waxaana xog hoose oo Idale News  Online ay heshay ay sheegaysaa inay talo ka dhiiban rabaan qaab dhismeedka gollaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maadaama seddexdaan masuul deegaanada ay maamulaan kasoo jeedaan xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah la doonayo inay ka dhaadhiciyaan aqbalida liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Xogta Idale News Online  ay helayso ayaa sheegaya in seddexda masuul ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya gaar ahaan ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo Xasan Sheikh Maxamuud.

Ka sokow xogtaa waxaa la filayaa inay sidoo kale ka qeyb galaan shir caalami ah oo ka dhici doono magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here