Fahfaahin kasoo baxeyso Dagaal Kharaar oo ka dhacay Gobolka Gedo

0
210

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Shabaab, ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu ka dhacay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo Koonfurta Somaliya.

Dagaalyahano Shabaab ka tirsan ayaa soo weeraray Saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka Somaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xoogaga Shabaab iyo ciidanka ayaa isku adeegsaday dagaalkooda hubka fudud iyo midka culus, sida ay soo wariyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo xalay ka seexan waayay rasaastii la isku adeegsanaayay.

Dhinacyadii dagaalamay ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah oo ku aadan rasaas habow ah oo guryahooda ugu gashay.

“Dagaalka wuuu cuslaa waan ka seexan waynay, saqdii dhexe ayaan maqalnay rasaas kala duwan oo ka dhaceysa Magaalada, haa waa jiraan dad shacab ah baan maqlaayay oo rasaas guryahooda ugu tagtay ku waxyeeloobay, saaka xaaladda waa ay degan tahay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo, ayaa ah saaka mid degan, waxaana la soo sheegayaa in ciidamada ay hawlgalo ka wadaan duleedka deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.