Muqdisho (INO) – Ugu yaraan 6 Ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen Weerar Culus oo Galabta oo Jimco ah lagu qaaday Hotel Makka Al Mukarama ee Muqdisho.
Weerarka oo ku billowday Gaari NOAH ah oo lagu qarxiyay Irida Hotelka ayaa waxaa xigay Rag xiran Jaakadaha la isku qarxiyo islamarkaana hubaysan kuwaasi oo u suurta gashay inay Gudaha galaan.
Hotelka oo ah markii labaad oo sidan oo kale la weeraro ayaa wuxuu ku yaalla Wadada Muhiimka ah ee Makka Al Mukarama ee aada Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Raga hubaysan ay wali Gudaha ku jiraan, iyadoo Dad badan ay ku xiran yihiin Qolalka Hotelka. Qaraxyo iyo Rasaas ayaa Gudaha ka dhacaysa, Ciidanka DFS ayaa banaanka taagan oo wali gudaha u gali la’.
UPDATE: Warar ayaa sheegaya in Yuusf Bari Bari, Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland uu u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Weerarka Hotel Makka Al Mukarama. Warkan Xafiiska INO ee Muqdishu ayaa xaqiijinaya.
Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka, sida Warbaahinta u sheegay Cabdicasis AbuMuscab oo Afhayeen u ah.
Dadka ayaa Daaqadaha kasoo boodaya, iyagoo isku dayaya inay kasoo baxsadaan Kooxda hubaysan inay disho. 3 Gabdhood ayaa kamid ah Lixda ku dhimatay Weerarka.
Dadka ku dhintay Weerarka waxaa u badan Ciidankii Ilaalada ka ahaa Hotelka, waxaana sidoo kale jira Shacab badan oo Waxyeelo kala duwan soo gaartay.
Idale News Online – Muqdisho