Baardheere (INO) — Waxaa Galabta Duqeyn ka dhacday Inta u dhaxeysa Baardheere iyo Diinsoor lagu dilay Aadan Garaar, oo Kooxda Al shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka.
Duqeynta waxaa fulisay Diyaarad Drone ah oo Gantaal ku dhufatay Baabuur galbinaysa Aadan Garaar oo marayay Deegaanka Cabaq-Xaluul oo 25Km u jira Baardheere, sida Qof Goobta ka agdhowaa Warbaahinta u sheegay.
“Weerarka waxaa ku dhintay Aadan Garaar, oo Amniyaatka Al shabaab kamid ahaa, iyadoo Dawalkii Gaariga Gantaalka ku dhacayna wuxuu ka go’ay Labada Lugood, waxaana la geeyay Isbitaal ku yaalla Baardheere oo Al shabaab ay leeyihiin,” waxaa sidaasi u sheegay KON Xuseen Nuur, oo ku nool meel u dhaw Cabaq-luul.
Darawalka waxaa Magaciisa lagu sheegay Jaamac Cali Hire Maxa’ed, waxa uu hadda yaalla Dhaawaciisa Degmada Baardheere.
Weerarka kadib waxaa Goobta gaaray Maleeshiyaad Al shabaab ah oo soo qaaday Meydka Saraakiishii lagu dilay Weerarka iyo dhaawacyo badan.
Labo Bil kahor Meel u dhaw Baardheere waxaa lagu dilay Duqeyn Cirka ah Madaxii Amniyaatka Al shabaab C/shakuur Tahliil, waxaana Dilkiisa sheegtay Mareykanka.
Idale News Online – Muqdisho