Kulan gaar ah oo ay maanta isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay labo Ajende oo kala ah mowqifka dowladda ee ku aaddan shirarka iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo Xeer-hoosaadka golaha wasiirrada Soomaaliya.
Shirka maanta waxaa shir guddoominayey ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, hasa yeeshee inta badan kulanka ayaa diiradda lagu saaray shirarka Baydhaba ka socda.
Kulanka markii uu soo dhammaaday kaddib ayaa wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre, la hadlay warbaahinta, waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay caddeeneyso mowqifkeeda la xiriira shirarka la doonayo in maamullo loogu dhiso ee ka socda magaalada Baydhabo, waxa uuna akhriyay War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo golaha wasiirrada la horgeeyey maanta.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamul gobolleed saddex gobol ah, iyadoo loo marayo Sharcuuda dalka u degan.
Sidoo kale shirkii maanta ee golaha wasiirrada ayaa looga dooday Xeer-hoosaadka ay ku dhaqmi doonaan golaha wasiirrada, kaasi oo ay weli socoto dooddiisa, hasa yeeshee shirarka ka socda Magaalada Baydhaba, horey waxaa qiimeyn ugu soo sameeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo si kala gooni gooni ah u tagay, dowladduna ugu dambeyn ay soo saartay go’aankeeda shirarkaasi ku aaddan.